Taliye sare oo lagu dilay Kashmir

Lahaanshaha sawirka AP

Boolis ku sugan Kashmirta ay maamusho India, ayaa sheegay in taliye sare oo ka tirsan kooxda Jaish-e-Mohammed lagu dilay weerar dhex maray iyaga iyo xoogagga ammniga habeenimadii Isniinta.

Howlgalkan ayaa daba socday macluumaad sheegaya in taliyaha iyo maleeshiyaad kale ay iyagana dhinteen, mar ay ku sugnaayeen Srinagar, oo ah xarunta gobalkaasi.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegada dilkaasi.

Jaish-e-Mohammed, waa koox fadhigoodu yahay Pakistan, taas oo xukuumadda Delhi, ay ku eedeysay weeraro dhowr ah in ay ka dambeeyeen, oo uu ka mid ahaa weerar ka dhacay saldhiga ciidammada cirka ee India, horaantii sanadkan, kaas oo ay ku dhinteen toddoba askari.