Maraykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka z

Dawladda Maraykanka ayaa mar kale soo saartay digniin ay muwaadiniinteeda uga digayso Soomaaliya.

Goobaha in loo safro laga digayo waxaa ka mid ah Somaliland iyo Puntland.

Waaxda arrimaha dibadda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay weli sii socoto khatarta ka imaanaysa Al Shabaab

Alshabaab oo xiriir la leh Al Qaeda ayuu sheegay Maraykanku inay tahay qatar taagan

Warkan waxaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in xaaladda waddankana ay tahay mid aan degganayn oo khatar ah.

Digniintan ayaa beddelaysa mid ay isla waaxdu soo saartay October ee sanadkii la soo dhaafay ee 2015-tii.

Ururka Alshabaab ayaa Soomaliya ka wada dagaal ay kula jiraan dowladda Soomaliya.

Waxay sidoo kale Shabaabku gaystaan qaraxyo iyo dilal qarsoodi ah