Shiinaha oo doonaya in la xasuusto weerarkii Japan ee Nanjing

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hadalka shiinaha ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweyne Obama uu booqanaya magaalada Hiroshima.

Shiinaha ayaa sheegay in weerarkii Japan uu ku qaaday magaalada Nanjing ee sanadkii 1937 uu mudan yahay in la xusuusto marka loo barbar dhigo duqeyntii Mareykanka ee magaalada Hiroshima.

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi oo ka hadlay booqashada madaxweyne Obama uu ku tagay magaalada Hiroshima ee dalka Japan ayaa waxa uu sheegay in dadkii ka dambeeyay xasuuqii Nanjing ay tahay in marnaba aysan qaadan waayin mas’uuliyaddooda.

Ciidamada Japan ayaa dilay tobanaan kun oo qof oo rayid ah markii ay qabsadeen magaaladaasi sanadkii 1937.

Waddamo badan oo ku yaala bariga qaaradda Aasiya oo Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed ay ka mid yihiin ayaa waxa ay rumeysan yihiin in Japan uusan sidii la rabay raali gelin uga bixin ficilladiisa muddadii uu socday dagaalka labaad ee adduunka.