Ragii Kampala qarxiyay oo maanta la xukumayo

Magaaladda Kampala waxaa maanta xukun lagu ridayaa ragii ka dambeeyey weerarkii Kampala ka dhacay 2010-kii.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay dad gaaraya 70 qof oo ciyaar kubada ah daawanaya

Shalay ayay ahayd markii ragan lagu helay dambigan inay gaysteen.

Waxaa sidoo kale jiray rag kale oo dambi lagu waayay oo la fasaxay.

Weeraradan Kampala loo gaystay waxay dhaceen sanadkii 2010-kii

Dadka dhamaaday ayaa daawanay ciyaar kubadda cagta ahayd ee koobka aduunka

Ururka Alshabaab ee Soomaliya ka dagaalama ayaa weerarkaasi sheegatay berigaasi