England oo ka badisay kooxda Australia

Lahaanshaha sawirka Reuters

Weeraryahanka kooxda Manchester United Rashford ayaa noqday ciyaaryahankii ugu yaraa England ee kooxda qaranka.

Ciyaar saaxiibtinimo oo dhexmartay Englad iyo Australia ayaa waxuu dhaliyay ciyaaryahanka gool.

Marcus Rashford waa 18-jir waxuuna jabiyay rikoodh uu horay u dhigay Tommy Lawton.

Ciyaaryahankan waxaa lagu soo daray kooxda qaranka England ee ka qaybgalaysa tartanka wadamada Yurub.

Ciyaartii xalay dhexmartay England iyo Australia ayaa waxaa England ay ku badisay labo gool.

Marcus Rashford waxa uu u dheelaa Kooxda Manchester United dhowaan ayuuna masraxa si fiican u soo galay.