Obama oo booqanaya Hiroshima

Lahaanshaha sawirka AP

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maraykan ah ee taga Heroshima.

Magaaladdan Hiroshima ayaa ah goob ay Maraykanka ku rideen hubka Atomica.

Barack Obama waxaa la socday ra'iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Madaxweyne Obama ayaa ubaxyo xusuus ah dhigi doona goobtan.

Mashaqadii Hiroshima ka dhacday waxaa ku dhintay 140 kun oo qof.

Waxaa magaaladaasi la garaacay dagaalkii labaad ee aduunka ee 1945-tii

Sadax maalmood ka dibna waxaa magaaladda nagasaki lagu garaacay Atomic kale.