Dameeraha Wajeer oo loo xiraya ‘xafaayad’

Image caption Wajeer waa markii ugu horreysay oo laga hirgeliya waddo laami ah.

Maamulka degmada Wajeer ee woqooyi bari kenya ayaa qaaday tallaabo aan caadi ahayn oo lagu ilaalinyo nadaafadda waddo laami ah oo dhawaan halkaasi laga dhisay, iyada oo dameeraha isticmaala waddadaasi qaarka dambe looga xiraya jawaan.

Maamulka ayaa ka doonaya dhammaan dadka ku shaqeysta gaari dameerka ay jawaan qaarka dambe uga xiraan si saxarada dameeraha aysan laamiga ugu dhicin.

Waa markii ugu horreysay taariikhda oo waddo laami ah laga hirgeliyo gudaha magaaladaasi.

Shacabka reer Kenya ayaa baraha ay bulshada ku xiriirta waxa ay isla dhex marayaan kaftan lagu muujinayo wasakhda dameeraha Wajeer ee sababtay in mas’uuliyiintu ay xeerkaasi soo saaraan.