Argentina: Saraakiil dambi lagu helay

Lahaanshaha sawirka AFP

Maxkamad ku taal Argentina, ayaa ku heshay saraakiil hore oo militeri inay maleegeen afartan sano ka hor shirqool lagu afduubayay laguna dilayay mucaaradka garabka bidix ee Koonfur Amerika.

Dhowr dowladood oo gobolka, ayaa ku luglahaa qorsho loo yaqaan howlgalka Coomaadi (Operation Condor).

Hoggaamiyhii hore ee militeriga Argentina, Reynaldo Bignone, ayaa 20 sano loogu xukumay qeybtii uu ka qaatay howlgalkan. Gaashaanle hore oo u dhashay Urugway, Manuel Cordero, ayaa lagu helay jirdil.

Maxkamadda, ayaa loo sheegay in tiro ka badan boqol ruux oo ololeeyayaasha garabka bidix in lagu waayay qeyb ka mid ah heshiis qarsoodi ahaa oo u dhexeeyay dalalka Argentina, Uruguay, Brazil, Chile, Paraguay iyo Bolivia.

Maxkamadad, ayaa bilaabatay seddax sano ka hor.ajant