Dhibaateynta ardayda Afrika ee India

Lahaanshaha sawirka GETTY

Booliska Delhi ee caasimadda India, ayaa xiray shan ruux oo lala xiriirinayo weeraro lagu qaaday muwaadiniin Afrikan ah khamiistii.

Saddex dhacdo oo gaar ah, ayaa la diwaangeliyay kaddib dhacdooyin lix ruux oo Afrikan ah lagu dhaawacay.

Horraantii bishan, ayaa nin u dhashay Congo garaacis lagu dilay kaddib markii uu muran ka dhashay kireyn mootada bajaajka.

Dhacdadan, ayaa kicisay muran diblomaasiyadeed oo dhexmaray safaaradaha Afrika iyo dowladda India.

Madaxda India ayaa ballanqaaday inay qaadayaan tallaabooyin adag oo wax looga qabanayo dadka weerara muwaadiniinta Afrikan.

Ururka ardyada Afrikanka ee India, ayaa Talaadada qabanaya dibadbax looga horjeedo midab takoorka.