Madaxii wadahadalada Mucaaradka Suuriya oo is casilay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Maxamed Alloush oo is casilay

Maxamed Alloush oo ahaa gudoomiyaha wadahadalada ee daladda ugu wayn mucaaradka Suuriya ayaa isu casilay wax uu ugu yeeray wadahadaladii nabadda oo dhicisoobay.

Alloush oo ka socda gudiga sare ee wadahada ee magaciisa loo soo gaabiyo HNC, ayaa sheegay in wadahadaladu aysan keenin heshiis siyaasadeed amaba aysan dabcinin xaaladdii ka taagnayd dhulka la go’doomiyay ee Suuriya.

HNC ayaan ka qayb galin wadahadaladii ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadinaysay ee Geneva ka dhacay bishii afraad ee sanadkan. Wax wakhti ah looma qabanin sii socoshada wadahadaladaas.

HNC oo Sacuudiga taageero ka haysta ayaa muddo bilooyin ah sheegayay sida ay ugu jahwareersan yihiin wadahadalada.

Waxaa ka caraysiiyay sida gargaarka baniiaadminimadu uusan u gaaraynin goobaha la go’doomiyay, gaabiska ay ku socoto sii daynta dadka siyaasadda u xiran iyo sida uu dhaqdhaqaaqu meesha uga maqan yahay marka laga hadlayo xilliga kala guurka ah ee suuriya marka uu meesha ka baxo madaxwayne Bashaar Al asad.