Suudaan oo boqolaal Eriterian ah masaafurisay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Suudan ayaa lagu dhaliilay in ay qaxooti masaafuris

Dawladda Suudaan ayaa dalkeeda ka masaafurisay ugu yaraan 442 ruux oo Eritrean ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin lix ruux oo qaxootinimo u diiwaan gashanaa, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch.

“Suudaan ayaa xiraysa qaxootiga magangalyo doonka ah oo qasab dib ugu celinaysa dawladda dadka caburisa ee Eritrea, iyaga oo u diidaya magangalyo ayuu yiri Gerry Simpson ee cilmi baare sare oo arrimaha qaxootiga ah ka ah hay’adda HRW.

Wuxuu intaas ku daray in in suudaan looga baahan yahay in la shaqayso hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Dawladda Suudaan kama aysan jawaabin eedaymahaas loo soo jeediyay.