Qaraxyo laga soo sheegay Puntland

Image caption Al-Shabaab ayaa sheegtay qaraxyada

Wararka ka imaanaya waqooyi bari Soomaaliya ayaa sheegay in labo qarax lagu bartilmaameedsaday kolonyo ciidamada Puntland ah oo marayay buuraha Galgala maanta barqinkii.

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhaawacantay kadib markii labo qarax oo wadada dhinaceeda la dhigay ay ku qarxeen gawaari ay wateen ciidamada daraawiishta Puntland sida ay dadka deegaanku u sheegeen BBC-da.

Kooxda Al-Shabbaab ayaa sheegatay masuuliyadda weeraradaasi iyagoo sheegay in tiro kabadan toban askari ay ku dileen qaraxyadaasi.

Ciidamada Puntland ayaa dagaal kula jira kooxo islaamiyiin ah oo saldhigyo ku leh buuraha Galgala ee puntland.