Gargaar gaaray magaalada Daraya

Lahaanshaha sawirka AFP
Hay'adda laanqeyrta cas, ayaa sheegtay in kolonyo gargaar ay gaartay magaalada hareereysan Daraya ee Suuriya.

Waa gargaarkii ugu horeeyay ee gaara magaalada ilaa markii ay hareereeyeen ciidamada dowladda sanadkii 2012-kii.

Kolonyada ayaa gaarsiisay daawo, caanaha caruurta iyo sahay kale magaalada ay falaagadu haysato ee duleedka Dimishiiq oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 400 oo ruux.

Bishii hore, ayaa isku day kan oo kale ah oo lagu gaarsiinayey magaalada gargaar ay ku joojiyeen ciidamada Suuriya tii ugu dambeysay barkoontarool, si kasta oo horay loo soo fasaxay.

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa xaalka Daraya ku tilmaamay mid aad u xun.

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa sheegtay inay hirgashay xabadjoojinta kummeelgaar oo 48 saac ah, si gargaarka loo qeybiyo.