Sarkaal sare oo Alshabab ah oo la dilay

Maamulka Jubalanad, ayaa xaqiijiyay warar naga soo gaaray gobolka Jubada Hoose ee dalka Soomaaliya oo sheegaya in sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab, Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadayn), lagu dilay tuulo u dhow Buuloguduud oo 30 km u jirta magaalada Kismaayo.

Howlgalka lagu dilay sarkaalkaas, ayaa la sheegay inay wada fuliyeen ciidamada dowladda dhexe Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland.

Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo magaalada Kismaayo kula hadlay wariyayaasha, ayaa sheegay in ragga la dilay uu ku jiro Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn), iyo ciidan tiradoodu uu ku sheegay 16 oo 4 ay saraakiil yihiin. Saraakiisha kale ayuu magacyadoodu ku sheegay Farxaan iyo Macalin Isxaaq oo qaraxyada Kismaayo qaabilsanaa.

Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn) ayey dowladda Soomaliya u haysatay weeraro badan oo dad ku dhinteen, halka dowladda Kenya ay ku eedeysay weerarkii jaamacadda Gaarisa.

Ururka Alshabaab ayaan ka hadal ilaa hadda warka ku saabsan dhimashada sarkaalkaas.