Howlgal wali ka socda huteelka Ambassador

Lahaanshaha sawirka EPA

Ciidamada dawladda ayaa la sheegay in ay hadda gudaha u galeen huteelka Ambassador ee magaalada Muqdisho, oo dabaly ka tirsan Shabaab ay shalay weerar ku qaaday.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan magaalada ayaa sheegaya in rasaas goos goos ah oo ka dhacysay gudaha huteelka ay hadda istaagtay.

Masuuliyiintu waxay shegeen in ay weerarkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, oo laba kamid ah ayaa ahaayeen xubna ka tirsan baarlamaanka oo huteelkaasi daggaanaa, balse waxaa laga yaabaa in tirada dhimashada ay intaa ka badato.

Weerarka oo dhacay abaarihii 5-tii iyo 40 daqiiqo waqtiga Afrikada bari, ayaa la sheegay in qarax kaddib ay rag hubeysan ay gudaha hotelka u galeen.