Dad fatahaad ugu dhintay Jarmalka iyo Faransiiska

Lahaanshaha sawirka APTN
Image caption Fatahaadaha ayaa la filayaa in ay ka sii daraan maalmaha soo socda.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay fatahaado ku dhuftay guud ahaan waddamada Faransiiska iyo Jarmalka.

Kooxaha gurmadka ee magaalada Simbach ee dalka Jarmalka ayaa helay meydadka saddex qof oo ku dhex xayirmay guri.

Haweeney 86 sano jir ah ayaa ku dhimatay bartamaha dalka Faransiiska, waxaana fatahaaddu ay ku dhufteen dhowr magaale.

Wasiirka arrimaha deegaanka ee dalka Faransiiska Segolene Royal ayaa indhaheeda ku soo aragtay baaxadda dhibaatada kaddib markii ay diyaarad heelikobtar ah ku soo wareegtay agagaarka magaalada Paris oo uu ku soo fatahay webiga Seine.

Kooxaha saadaasha hawada ayaa sheegaya in fatahaado hor leh la filan karo maalmaha soo socda.