Xoghayaha dibedda Britain oo booqday Muqdisho

Xoghayaha arrimaha dibedda dalka Britain, Philip Hammond ayaa Soomaaliya ku tagay booqasho aan horay loo sii sheegin.

Wuxuu la kulmay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo cutubkii ugu horeeyay ee ciidamada Britain ee ka howlgali doona Soomaaliya dhowrka bilood ee soo socda si ay u taageeraan Qaramada Midoobay iyo howlgalka midowga Africa.

Markii Mr Hammond uu gaaray Muqdisho, ayaa waxaa wali socday dagaal lagula jiro maleeshiyada Al-Shabaab oo weerartay hoteel ku yaalla bartamaha magaalada.

Ugu yaraan shan iyo toban qof ayaa ku dhimatay, iyadoo in ka badan kontonna ay ku dhaawacmeen.

Weriye BBC u soo waramma ayaa sheegay in Al Shabaab laga saaray caasimadda iyo inta badan goobaha magaalooyinka ah, walise waxay halis ku yihiin qaybo ballaaran oo dalka ah.