Erdogan oo booqasho ku tagay Muqdisho

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo saakay gaaray Muqdisho ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee safaradiisa.

Madaxweyne Erdogan oo garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ku soo dhaweeyay Maadaxweyne Xasan Sheekh, ayey booqashadiisa Muqdisho qeyb ka tahay safarkiisa dalalka geeska Afrika.

Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana inta uu joogay Muqdisho madaxweyne Erdogan uu furay dhimaha cusub ee safaaradda Turkiga Muqdisho iyo mashaariic kale oo hey'adaha Turkiga ka hirgelinayaan Soomaaliya.