Falastiin iyo Israa'iil oo la wadahadal siinayo

Image caption Dhinacyada oo horey la isugu keenay waxa ay isku maandhaafeen deegaameynta Israa'iil ee daanta Galbeed

Shir caalami ah oo ay marti gelineyso dowladda Faransiiska oo ka socdo magaalada Paris ayaa waxaa ka soo baxay in la dardar geliyo heshiiska nabadda ee Iraa’iil iyo Falastiin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jean-Marc Ayrault waxa uu sheegay in ka qeybgalayaasha oo ka kala socday in kabadan 20 dal ay hadda isu diyaarin karaan wadahadallo dib loo cosbooneysiiyay.

Waxa ay aasaasi doonaan koox ka shaqeysa dhaqaalaha iyo ballanqaadka nabad gelyada ee labada dhinac ee kala ah Israa’iil iyo Falastiin.

Mr Ayrault waxa uu ka digay in waqtiga hannaanka nabadda lagu dardargelinayo uu yaryahay.

Labada dhinac ee la dhexdhexaadinayo laguma casuumin shirka Paris, laakiin ujeedada waxa ay tahay in si wada jir ah la isugu keeno dhammaadka sanadkan.

Qodobada qaar ayey Israa’iil diiday, waxayna dooneysaa wadahadallo fool ka fool ah oo ay la galaan Falastiiniyiinta.

Laakiin xoghayaha guud ee ururka xureynta Falastiin (PLO), Saceb Erekat, waxa uu soo dhoweeyay galaangalka Faransiiska iyo dalalka kale ee arrinta nabadda.