Nabadda Falastiin iyo Is’raaiil oo laga arrinsanayo

Image caption Falastiyiniintu waxa ay doonayaan in Israa'iil ay joojiso deegaameynta ay ka waddo daanta galbeed.

Wadahadallada looga golleeyahay in mar kale dib loo billaabo geeddi socodka nabadda ee Falastiyiniinta iyo Israa’iil ayaa maanta waxa ay ka furmi doonaan magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Kulanka maanta kama qayb qaadan doonaan labadani dhinac ee ay colaadda u dahxeyso.

Falastiyiniinta iyo israa’iil lagu casumin kulanka maanta oo looga golleeyahay in loogu gogol xaaro shir nabadeed aad u ballaaran oo la qaban doono dhammaadka sanadkan.

Tallaabadani oo uu Faransiiska soo hindisay ayaa waxaa ku gacanseyray ra’iisalwasaaraha israa’iil Benjamin Netanyahu oo doonaya in uu wadahadal toos ah la yeesho Falastiyiniinta.

Weriyaha BBC-da ee bariga dhexe ayaa sheegaya in xitaa haddii durbaba la dhaqan gelin waayo ay arrintani beesha caalamka mar kale soo hordhigeyso coladda u dhaxeysa labadani dhinac.