Xaaska taliye boolis oo lagu dilay Bangladesh

Lahaanshaha sawirka
Image caption Bangladesh ayaa waxaa horay uga dhacay dilal lagu eedeeyay ururka dowladda Islaamka.

Booliska Bangladesh ayaa sheegay in mintidiin looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka isku magacaabay dowladda Islaamka, ay dileen haweeney uu qabay mid ka mid ah taliyayaasha booliska ee magaalada Chittagong.

Waxa ay sheegeen in saddex nin ay toriyeeyeen ka dibna toogteen haweeneyda oo lagu magacaabo Mahumuda Begum, xilli ay wiilkeeda saareysa baska iskuulka uu dhigto.

Booliska ayaa intaa ku daray in saddexdii sano ee lasoo dhaafay Bangladesh ay ka dhaceen ku dhawaad 40 dil oo lala xiriirinayo mintidiintaas.

Sarkaal qabay Mahumuda Begum oo lagu magacaabi Babul Akter ayaa horkacay dhowr howlgal oo lagula dagaallamayo argagixisada.

Ururka dowladda Islaamka ayaa sheegay inuu ka dambeeyay dilal horay loogu geystay shakhsiyaad calmaaniyiin ah.