Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Isticmaalka daroogada oo Islii ku soo badanaya

Isticmaalka maandooriyaha ayaa ku soo badanaya xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, sida ay sheegayaan urur arrintaasi la dagaallama.

Dhaqaale xumada iyo dhibaatooyiin kale ayaa la sheegayaa in dhallinyarada ay ku qasabtay inay dhaqamo xun oo daroogada ay ka mid tahay ay ku kacaan.

Maandooriyayaasha ugu badan ee dhibaatada ku haya Islii waa Shiishadda iyo qaadka sida ololeeyayaasha ay sheegeen.

Waxaa la kulmay Cise Xaji Cabdul oo doodan dhexdhigay.