Gabadh weriye ah oo Muqdisho lagu dilay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sawir hore

Magaalada Muqdisho waxa goor dhawayd lagu toogtay gabadh suxufiyad ahayd oo la oran jiray Sagal Salaad Cismaan oo u shaqaynaysay warbaahinta dawladda Soomaaliya.

Rag ku hubeysan bastoolado ayaa gabadhan weriyaha ah ku toogtay xaafadda Benaadir ee degmada Hodan kaddib baxsaday.

Gabadha weriyaha ahayd oo dhaawac culus uu soo gaaray ayaa loo qaaday isbitalka laakiin markii danbe ayay isbitalka ku geeriyootay.

Ma jirto cid sheegatay dilka gabadhaasi weriyaha ahayd ee u shaqaynaysay warbaahinta dawladda.

Xalay sidaas oo kale degmada Dherkenley waxa dabley hubeysan ay ku dileen nin la oran jiray Salaad Maxamad Sabriye oo ka tirsanaa shaqaalaha baarlamanka Soomaaliya.