Somaliland oo ka hadashay dagaalka Dharkeyn-geenyo

Image caption Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cismaan Cabdilaahi Saxardiin (Caddaani)

Xukuumadda Somaliland ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaalka ka dhacay deegaanka Dharkeyn-geenyo ee koonfurta gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaallameen laba reer oo walaalo ah.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in dad ku dhow labaatan qof ay ku dhinteen dagaalkaasi labada beelood.

Wuxuu sheegay in halkaasi ay u direen ciidan kala dhex gala labada beelood, iyadoo ay gaareen jiidaasi madax dhaqameed fara badan oo ka kala yimid deegaano kala duwan.

Sababta ka dambeysa dagaalkaasi lama sheegin.