Switzerland oo u codeyneysa mushaarka dadkeeda

Lahaanshaha sawirka Thinkstock
Image caption Aftida ayaa loo qaadayaa in mushaar asaasi ah la siiyo muwaadiniinta Switzerland.

Shacabka Switzerland ayaa codkooda ka dhiibanaya afti lagu go’aaminayo in qof kasta oo dalkaasi u dhashay la siiyo mushaar asaasi ah.

Qorshaha ayaa ah in muwaadin waliba oo qaan-gaar ah la siiyo mushaar bil kasta ah, haddii uu shaqeeyo iyo haddii kaleba.

Dadka qorshahan taageersan ayaa sheegaya in xilligan la joogo ay shaqooyinka noqdeen kuwo aan la heli karin, isla markaana ay tiknoolajiyadda casriga ah ay dad badan shaqa la’aan dhigtay.

Balse ra’yi ururin la sameeyay ayaa muujinaysa in keliya boqolkiiba 25 dadka Switzerland ay taageersan yihiin fekerkan.

Kuwa fekerkan wata ayaa soo jeediyay in muwaadin kasta oo qaan-gaar ah bishiiba la siiyo 2,555 oo dollar-ka Maraykanka ah, canug kastana la siiyo 640 dollar.

Dadka diidan qorshahan ayaa sheegaya in haddii la meelmariyo ay dalkaasi kusoo qulquli doonaan muhaajiriin dhaqaale doon ah.