Haweenka adduunka ugu saamaynta badan oo Shiinays ku soo bateen

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Margaret Chan

Liiska haweenka ugu saamaynta badan adduunka ee sanad kaste uu daabaco wargayska Maraykanka laga leeyahay ee Forbes ayaa sanadkan lagu soo daray tiradii ugu badnayd ee haween Shiinaha ka socda.

Dhammaan haweenka Shiinaha ka socda waa sagaal kuwaas oo qaarkood ay u dhashay ama hadda ku nool Shiinaha, waxaana ku jira kuwa Hong Kong.

Waxaa ka mid ah Margaret Chan oo ah gabadha madaxda ka ah hay'adda caafimaadka adduunka ee ( World Health Organisation).

Sidoo kale waxaa Peng Liyuan oo ah xaaska madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Angela Merkel

Shanta haweenka ah ee ugu horeeya ayaa ah kuwii sanadkii horena u horeeyay.

Hogaamiyaha Jermalka Angela Merkel ayaa kaalinta koobaad ku jirta sanadkii lixaad.

Hillary Clinton, iyo Janet Yellen ayaa kaalinta labaad iyo saddexaad kala galay.

Image caption Marissa Mayer ayaa haweenkaas ugu da' yar

51 ka mid ah haweenkaas ayaa ka soo jeeda Maraykanka.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Dilma Rousseff

Marissa Mayer oo 41 sano jirta ayaa ah haweenayda ugu da'da yar waxayna madax ka tahay oo xukuntaa shirkadda Yahoo.

Haweenka heerkii ay ku jireen hoos uga dhacay waxaa ka mid ah madaxwaynihii hore ee Brazil, Dilma Rousseff taas oo xilkii laga xayuubiyay bishii shanaad ee sanadkan kaddib markii lagu eedeeyay in ay ku takrifashay dhaqaalaha inkasta oo ay diiday eedaymahaasi.