Madaxwaynaha Nigeria oo xanuun dibadda loogu qaadayo

Lahaanshaha sawirka State House
Image caption Buhari xanuunka waxaa lagaga daweeay Nigeria, balse dibada in uu baadhitaan kale u aado ayaa lagula taliyay

Afhayeen u hadlay madaxwaynaha dalka Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa sheegay in madaxwaynuhu uu u safrayo magaalada London si looga daaweeyo caabuq dhagaha kaga dhacay.

Madaxwaynaha ayaa lagu daweeyay gudaha dalka Nigeria laakiin dhakhaatiirtiisa ayaa kula taliyay in baadhitaan dheeri ah lagu sameeyo masuulka.

Afhayeenkiisa ayaa sidoo kale sheegay in todobaatan iyo saddex jirkaas uu toban maalmood oo fasax ah qaadan doono si uu u nasto.

Ku dhwaaqitaanka xaaladda caafimaadka ee Madaxwayne Buhari ayaa imanaysa maalmo uun kaddib markii uu daqiiqadihii u dambeeyay baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa Niger Delta.