Madaxweynha Soomaaliya oo Dhadhaab gaaray

Image caption Madaxweynaha oo dhadhaab gaaray

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray xeryaha qaxootiga ee dhadhaab ee dalka Kenya.

Halkaas oo ay ku sii sugayeen wasiirka Ariimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye, safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya iyo Masuuliyiin Kenyan ah oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya.

Dadaab waxaa ku jira qaxooti ay Soomaalidu ugu badan yihiin, kuwaas oo halkaa ku sugnaa in kabadan 25 sano.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu noqonayaa madaxweynihii Somaaliyeed ee ugu horeeyay ee booqda Dadaab muddadii ay xeradaasi jirtay.

Booqashadiisa waxay ku soo aadeysaa xilli ay dowladda Kenya isu diyaarineyso inay xirto xeryaha Dadaab, ugu dambeyn bisha November ee sanadkan.

Kaddib madaxweynaha waxa uu aadi doonaa magaalada ta Nairobi oo uu kula kulmi doono madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay isla eegi doonaan arrinta dib u celinta qaxootiga Soomaalida.