Dood ku saabsan Ololaha aftida Britain

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Aftida waxay dhicidoontaa dhammaadka bishan June

Ra’iisul wasaaraha dalka Britain David Cameron iyo hogaamiyaha xisbiga madaxa bannaan ee Nigel Farage ayaa waxa ay wajeheen su’aalo aan caadi ahayn oo ku saabsan saameynta ay yeelan karto kabixidda midowga Yurub.

Doodaasi dhexmartay labada hogaamiye ee iska soo horjeeda ayaa si toos ah looga baahinayay.

Cise Cabdul ayaa soo koobaya wararka ay BBC-da ka qortay arrintan…..

David Cameron waxa uu ku celiyay aragtidiisa markii la sheegay in tahriibayaasha ay yihiin halis, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ka bixidda EU ay dhaqaale xume u keeni karto.

Ra’iisul wasaaraha Britain ayaa sharaxay sababta uu ugu baahan yahay in codbixiyayaasha ay doortaan inay Midowga Yurub kasii mid ahaadaan.

Mr Farage waxa uu sheegay in dhaqaala yahanada ka digaya in Britain ay ka baxdo EU inay qaldanaayeen haddana ay qaldan yihiin.

Nigel Farage oo muddo kabadan 20 sano u ololeynaayay in Britain ay EU ka baxdo, wuxuuna sheegay inay doonayaan inay naftooda maamulaan.

Afti ku saabsan haddii Britain ay ka bexeyso midowga Yurub iyo inkale ayaa 23ka bishan laga qaban doonaan dalkaasi.