Eritrea oo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah aadanaha

Image caption Eritrea waxa ay beenisay warbixinta guddigani Qaramada Midoobey.

Guddi xaqiiqo raadin ah oo Qaramada Midoobey ka tirsan ayaa sheegaya in dambiyo baahsan oo joogta ah oo ka dhan ah aadanaha ay ka dhacayaan gudaha dalka Eritrea.

Sida uu sheegaya guddigani, dambiyadani ayaa waxaa ka mid ah jirdil, kufsi, dil, dadka oo inta lala baxa la waayo meel ay jiraan iyo addoonsi.

Guddigani ayaa kula taliyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey in arrintani uu u gudbiyo dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada.

Guddigu waxa uu intaasi ku daray in uu durbada ogaaday shakhsiyaadka leh mas’uuliyadda dambiyadaasi ka dhacaya gudaha dalka Eritrea.

Eritrea ayaa warbixinta guddigani ku tilmaantay mid aan sal iyo raad midna la hayn.

Waxa ayna intaasi ku dartay in warbixintu ay tahay mid hal dhinac ah maadaama guddigani uu la hadlay oo kaliya dad ku sugan waddanka dibaddiisa.