Daanyeer korontada ka jaray Kenya

Image caption shacabka Kenya ayaa aad ugu tiirsan korontada dowladda.

Shirkadda quwadda korontada ee dalka Kenya ayaa koronto la’aan shalay oo talaado ah ka dhacday qaybo badan oo dalkaasi ka tirsan ku eedeysay daanyeer waxyeelo u geystay qalabka korontada ee shirkaddaasi.

Sida ku xusan warbixin qoraal ah oo ay soo saartay shirkadda quwadda korontada kenya ee KenGen, daanyeerka ayaa ku dhacay qalabka qaybiya korontada oo ku yaalay xarunteeda ku taala bariga dalka.

Inta badan shacabka Kenya ayaa ku tiirsan korontada ay bixiso shirkaddan oo ah shirkadda kaliya ee korontada ee ka jirta dalkaasi.

Warbixinta shirkaddani ayaa timid kaddib markii shacabka reer kenya ay cabsho ka muujiyeen koronto la’aan ka dhacday inta badan dalkaasi.

Balse warbixintan ayaa laga dhigtay mid dadku ay ku shactireystaan, waxaana su’aalo badan la iska weydiinayaa sida ay daanyeerkaasi ugu suurtagashay in uu halkaasi galo maadaama goobaha muhiimka ah ee aad loo ilaaliyo oo xitaa lagu sarsariyo silig koronto leh.