Tababarihii hore ee xulka qaran ee Nigeria oo geeriyooday

Lahaanshaha sawirka no credit bbc
Image caption Keshi wuxuu horey u soo tababaray kooxaha waddamada Togo iyo Mali.

Xiriirka kubadda cagta ee dalka Nigeria ayaa sheegay in Stephen Keshi oo ah mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican qaaradda Afrika uu geeriyooday.

Waxa la rumeysan yahay in Stephen Keshi oo da’diisu ay ahayd 54 uu u dhintay wadno xanuun.

Keshi oo ahaan jiray tababarihii xulka qaran ee Nigeria ayaa ahaa mid ka mid ah labada nin ee kaliya ee shakhsi ahaan iyo tababare ahaanba ku guuleysatay koobka qaramada qaaradda Afrika.

Waxa uu sidoo kale tababare ka soo noqday waddamada Togo iyo Mali.

Ku xigeenka madaxa Xiriirka kubadda cagta ee dalka Nigeria Shehu Dikko ayaa sheegay in muddo dheer dhammaan reer Nigeria ay Keshi u aqoonsanaayeen in uu yahay halkyey.

Saaxibada Keshi ayaa sheegay in uu illaawi waayay geerida xaaskiisa oo sanadkii hore u dhimatay cudurka kansarka.