Thailand oo lagu ammaanay la dagaalanka AIDS-ka

Image caption Cudurka AIDS-ka ayaa fara ba'an ku haya waddamo badan oo caalamka ah.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegeysa in dalka Thailand uu noqday waddankii ugu horreeyay ee ku yaala qaaradda Aasiya oo gebi ahaanba joojiya in hooyooyinka uurka leh ay cudurka HIV qaadsiiyaan dhallaanka.

WHO ayaa sheegtay in dalkaasi uu sidoo kale noqday dalkii ugu horreeyay oo tiro dadkiisa ka mid ah ay qabaan cudurkaasi isla markaana xaqiijiyo in la helo jiil ka fayow cudurka AIDS-ka.

Arrintan ayaa loo aaneynayaa baaritaanka joogtada ah ee cudurkan iyo dawaynta lacag la’aanta ah ee dumarka uurka leh ee dalkaasi.

Haweenka uurka leh ee qaba cudurka AIDS-ka ayaa ilmaha uurka ku jira u gudbin kara cudurkani haddii aan si wanaagsan loo daweynin.