Qarax ka dhacay dalka Turkiga

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaraxani ayaa noqonaya kii labaad labo maalmood gudahood.

Qarax loo adeegsaday baabuur ayaa dalka Turkiga lala eegtay xarun boolisku ku leeyahay magaalada Kurdiyiinta ku badan yihiin ee Midyat, ee ku taala koonfur bari dalkaasi.

Ra’iisalwasaaraha dalkaasi Binali Yildirim ayaa sheegay in saddex qof oo uu ku jiro askari ka tirsan booliska lagu dilay weerarkaasi.

Magaalada Midyat ayaa u dhow xudduudda dalka Suuriya ee ay colaadda ka socoto.

In kabadan 30 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi.

Koonfur bari dalkaasi Turkiga ayaa waxaa ka socday rabshado tan iyo markii uu burburay heshiis xabbad joojineed oo u dhaxeeyay dowladda iyo mintidiinta Kurdiyiinta saandkii la soo dhaafay.

Waxaa dhulkaasi ka dhacayay weerarro lagu eedeyay kooxda PKK.

Qaraxani ugu dambeeyay ayaa yimid maalin uun kaddib markii shalay qarax lala beegsaday bas ay saarnaayeen ciidamo boolis ah gudaha magaalada Istaanbuul, halkaasi oo ay ku dhinteen 11 qof.