Al-Shabaab oo Halgan ku weerartay ciidamada Itoobiya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Al-Shabaab ayaa horey dhow saldhig oo AMISOM leedahay weeraray.

Wararka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Weerarkan ayaa qayb ka ah weerarro Al-Shabaab ay ku bartilmaameedsanaysay ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Mintidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi oo ka dhacay deegaanka Halgan ay ku dileen ugu yaraan 43 askari oo Itoobiyaan ah, wallow aysan jirin ilo madax bannaan oo arrintaasi xaqiijinaya.

Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegaya in ay iska caabiyeen weerarka Al-Shabaab isla markaana ay dileen 110 ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro qof reer galbeed ah.

AMISOM waxa ay intaasi ku dartay in deegaankaasi ay gacanta ku hayaan, ayna gacanta ku dhigeen hub tiro badan.

Sheegashada labadani dhinac ayaa ilaa haatan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarka uu ku billowday wax loo maleynayay qof isa soo miidaamiyay oo baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa la eegtay albaabka hore ee saldhig milatari oo Itoobiyaanku halkaasi ku lahaayeen, kaasi oo sababay qarax weyn.

Qaraxa kaddib ayaa sida la sheegaya waxa saldhigga gudaha u galay rag hubeysan.

Al-shabaab ayaa billowgii sanadkan weerar ismiidaamin ku billowday ku qaaday xero ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay gaysteen khasaare nafeed.