Dad ku dhintay qaraxyo ka dhacay Baqdaad

Lahaanshaha sawirka
Image caption Qaarxyada ayaa in dhawaaleba ku sii badanayay Baqdaad.

In kabadan 20 qof ayaa lagu dilay labo qaraxyo oo ka dhacay magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq.

Baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu qarxiyay deegaan ganacsi oo ku yaala degmo ku taala bariga Baqdaad.

Sidoo kale qarax ismiidaamin ah oo baabuur loo adeegsaday ayaa waxa lala eegtay bar kontorool oo milatariga dalkaasi ku leeyahay woqooyiga caasimadda, halkaasi oo ay ku dhinteen toddobo askari.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi, haseyeeshee kooxda khilaafada islaamka ayaa bilihii ugu dambeeyay qaadeysay inta badan weerarrada noocaasi ah.

Milatariga dalkaasi Ciraaq ayaa hadda isku dayaya in uu kooxdani ka saaro magaalada Faluuja oo 60 kiloomitir dhanka galbeed ka xigta Baqdaad.