Mas’uuliyiin hore oo ka digay in Britain ay ka baxdo Yurub

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Blair iyo siyaasiin kale ayaa doonaya in Britain ay ka sii mid ahaato midowga Yurub.

Labo ka mid ah ra’iisalwasaareyaashii hore ee Britain ayaa ku biiray dedaalada la doonaya in dadka ku nool Britain looga dhaadhiciyo in aysan u codeyn ka bixtaanka Midowga Yurub.

John Major iyo Tony Blair ayaa waxa ay sheegayaan in haddii Britain ay ka abxdo Midwoga Yurub ay arrintaa xagal daacinayso nabadda.

Arrintan ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in ay fududeynayso suurtagalnimada in Scotland ay go’aansato in ay ka go’do Britain inteeda kale.

John Major ayaa sheegay in kabixitaan ay ka baxaan Midowga Yuurb uu noqonayo khalad taariikhi ah.

Tony Blair ayaa dhankiisa ugu baaqay dadka in aysan rumeysan hadalada kuwa doonaya in fikrad aan xaqiiqadeeda la hubin ay soo hor dhigaan shacabka.

Siyaasiinta u ololeynayo in Britain ay isaga baxdo midowga yurub ayaa ku doodaya in hadaladaasi aysan sax ahayn.

Xildhibaanada dalkaasi ayaa u codeeyay in wakhti dheeraad ah lagu daro wakhtigii kama dambeysta ahayd ee loogu tala galay in dadku ay isku diiwaan geliyaan.