Israa’iil oo ciidamo geynaysa daanta galbeed

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Israa'iil ayaa horey u go'doomisay marinka Qasa.

Israa’iil ayaa ciidamo dheeraad ah u direysa daanta galbeed kaddib markii labo nin oo hubeysan oo Falastiyiniin ah ay weerar ka gaysteen magaalada Tel Aviv, kaasi oo ay ku dhinteen afar qof oo israa’iiliyiin ah.

Milatariga Israa’iil ayaa ku hareereysan tuulada Yatta oo ku taala daanta galbeed, halkaasi oo ah meesha ay ka soo jeedaan labada nine e weerarkan lagu tuhmayo.

Labadani nin ayaa xalay rasaas ku furay maqaayad ku taala Tel Aviv, ka hor inta aan markii dambe xabsiga la dhigin.

Israa’iil oo ka jawaabeysa weerarkaasi ayaa waxa ay joojisay sharci 83, 000 oo qof oo Falastiyiniin ah ay Israa’iil ku gali lahaayeen inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Ururka Xamaas oo maamula marinka Qaza ayaa weerarkaasi ku tilmaamay ficil geesinimo.