Bangladesh: Dad loo xirxiray xagjirnimo

Lahaanshaha sawirka bb

Booliska Bangladesh, ayaa sheegay inay xireen hadda dad ka badan boqol ruux oo ah xagjiriin la doonayay.

Badi waxaa looga shakiyay inay ku lug leeyihiin dilal qorsheysnaa oo ka badan afartan, kuwaasi oo dhacay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Dhibanihii ugu dambeeyay ayaa ahaa Nityaranjan Pande oo shaqaale ka ahaa macbad Hindu, waxaana lagu dilay khamiistii degmada waqooyiga ee Pabna.

Meydka wadaad diinta Hindu oo madaxa laga jaray, ayaa toddobaadkii tagay laga helay beer bariis, waxaana dukaanle masiixi ahaa isagana lagu dilay meel u dhow kinisad, halka sarkaal argagixisada la dagaalama xaaskiisa si xun loo tooreeyay oo la dilay maalin cad.

Waa dhacdadan midda ay dad badan qabaan inay boolisku ku riixday inuu tallaabo qaado.

Shahidul Hoque oo taliye ka ah booliska magaalada xarunta ee Dhaka, ayaa sheegay khamiistii in kuwii ka dambeeyay dilka xaaska sarkaalka boolis, dhaqso cadaaladda la hor keeni doono.