Euro 2016: France oo ka badisay Romania

Xulka Faransiiska ayaa ku guuleystay kulankii lagu furay tartanka ciyaaraha ee Euro 2016.

Faransiiska oo martigelinaya tartankan ayaa dalka Romania uga badiyay 2-1 ciyaartii ka dhacday garoonka Stade de France ee Paris.

Olivier Giroud ayaa goolka koowaad u dhaliyay Faransiiska, waxaana ay Romania ku barbareysay gool ku laad uu u dhaliyay Bogdan Stancu.

Dimitri Payet oo u dheela xulka Faransiiska ayaa gool qurux badan u dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Ammaanka caasimadda Paris, gaar ahaan aagga garoonka ay ciyaarta ka dhacaysay ayaa aad loo adkeeyay.