Ammaanka Paris oo la adkeeyay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Tallaabooyin ammaan oo aan horay loo arag, ayaa laga hirgeliyay magaalada Paris ka hor saacado intii aysan marteglin cayaarta furitaanka ee hoyraalka Yurub ee 2016.

Waxaa magaalada la soo dhigay boolis, iyadoo la kordhiyay tallaabooyinka ammaanka balse waxay madaxdu wax ka qabanayaan dhibaatooyinka soo noqonoqnaya. Shaqo joojinta Faransiiska ee sababtay in qarashin ku ururo wadooyinka Parisian ayey hadda u muuqataa in laga nadiifinayo ka hor inta aysan cayaartu bilaaban.

Wasiirka gaadiidka, Alain Vidalies, wuxuu ku hanjabay inuu ku qasbayo darawalada tareenada inay ku soo laabtaan shaqooyinka si taageerayaasha u gaaraan cayaarta. Faransiiska ayaa kula cayaari doono Romania garoonka Stade De France, kaasi oo saddex xagjiriin ah oo walxaha qarxa ku xiran yihiin ay weerareen bishii november sanadkii hore.