Muhaajiriinta jirkooda iibinaya Athens

Lahaanshaha sawirka AFP

Baaris ay BBC-du sameysay ayey ku ogaatay in dhallinyarada muhaajiriinta oo ay dhowr iyo toban jirada ku jiraan noqdeen kuwa jirkooda ka ganacsada magaalada xarunta u ah Giriigga ee Athens.

Badi waxay doonayaan inay gaaraan waqooyiga Yurub, balse qeynuunada cusub ee xuduudaha ayaa xanibay kana dhigay in aysan haysan hab sax ah oo ay lacag ku helaan.

25 jir u dhashay Iran oo lagu magacaabo Azat, ayaa ka hadlay ceebtiisa inuu kula seexday shan ama toban doolar rag odayaal ah.

BBC-da, ayaa ku soo aragtay bartamaha magaalada Athens dhowr iyo toban jiro jirkooda ka ganacsanaya. Muhaajir da'yar oo Afghanistan u dhashay oo howsha ka ganacsiga jirka ku jira ayaa sheegay in wiilasha 15 jirada ah ay jirkooda iibiyaan.