Heesaa Mareykan ah oo la dilay

Lahaanshaha sawirka AP

Christina Grimmie oo heesaa Mareykanka aheyd, ayaa toogasho lagu dilay magaalada Orlando ee Florida.

Waxay sheegeen in nin hubeysnaa uu rasaas ku furay iyadoo u saxiixeysa magaceeda taageerayaal kaddib markii ay soo dhameysay ruwaayad ka dhacday Orlando.

Christian Grimmie oo 22 jir aheyd, ayaa ku dhimatay isbitaalka markii dhaawac lagu geeyay halkaasi. Booliska ayaa sheegay in ninka hubeysnaa uu isdilay kaddib markii ay gacanta isula tageen walaalkeed.

Sanadkii 2014-tii ayey Grimmie kaalin ka gashay tartanka heesha ee loo yaqaan "The voice".

Bandhigga The voice, ayaa bartooda Twitterka ku qoray, "inay niyad jabeen oo ay lumiyeen naf qurux badneyd oo cod layaab ah laheyd".

Boolisku waxay kaloo sheegeen in la dilay jimcihii markii ay saacadu aheyd 22.45 watiga gudaha.

Booliska, ayaa hadda wada baaris sida ay ku dhacday in ninkan uu ku soogalo halka ay ruwaadda ka socotay.

Warka weerarka ayaa degdeg ugu baahay baraha bulshada, iyadoo taageerayaal badan ay muujiyeen sida ay uga naxeen.