Aftida UK uma wanaagsana Midowga Yurub

Lahaanshaha sawirka Getty

Wasiirka arrimaha dibadda Sweden, ayaa sheegtay in codeynta Britain ee la xiriirta ka sii mid ahaanshaha Midowga Yurub ay ugu dambeyn horseedeyso in ay kala jabaan.

Margot Wallström oo madaxa EU 10 sano soo aheyd, ayaa sheegtay in Britain bixisteedu kicineyso in afti ka dhacdo dalal kale.

Wareysi ay BBC-da la yeelatay ayey Wallstrom ku sheegtay saameynta ay leedahay aftida oo ay ku tilmaantay in wax walba oo ka soo baxo ay xun tahay.

Hadii Britain u codeyso inaysan ka bixin Midowga Yurub, waxay dalalka kale isku dayayaan inay ka gorgortamaan xubinnimadooda Midowga Yurub.

Waleecada ayaa ku soo aaday welwelka caasimada badan oo Yurub ah ee la xiriira waxa mustaqablka Midowga Yurub noqonayo.

Iyadoo ay ka harsan tahay in ka yar labo toddobaad codeynta Britain ayey saadaashu muujineysa natiijo isku dhow.