Shaibu Amodu oo geeriyooday

Dhimasho kale ayaa ku timid xarunta kubbadda cagta ee dalka Nigeria, halkaas oo uu ku geeriyooday agaasimihii farsamada ee xiriirka kubbadda cagta dalkaas, Shaibu Amodu.

Geeridiisu waxay timid saddex maalmood oo keliya kaddib markii uu dhintay maamulihii kooxda qaranka ee Super Eagles Stephen Keshi.

Duufaanta dhimashada waxaad mooddaa inay xoog u garaacayso aqalka kubbadda cagta ee Nigeria, iyadoo dishay laba ka mid ah xubnaha xiriirka kubbadda cagta muddo aad isugu dhow.

Markii hore waxaa dhintay Tababarihii kooxda qaranka Stephen Keshi horraantii toddobaadka. Haatanna Amodu Shaibu oo afar jeer tababare u noqday kooxda qaranka Nigeria ee Super Eagles ayaa la sheegay inuu ka cawday xanuun xabadka ah kaddibna intuu seexday iska dhintay habeenkii Jimcaha.

Amodu Shaibu waxaa uu ahaan jiray ciyaartoy kubbadda cagta iyo kusimaha tababaraha kooxda Super Eagles ee hadda. Waxaa uu ahaa 58 jir.