Ciidamo isku rasaaseeyay Cadaado

Image caption Ciidamada dowladda ayaa marar badan sidan oo kale u dagaalamay.

Ugu yaraan labo qof ayaa dhintay lix kalena way dhaawacmeen kaddib markii ciidamo ka wada tirsan dawladda Soomaaliya ay isku rasaaseeyeen xarunta Kafaalo ee magaalada Cadaado oo xarun ku meel gaar u ah maamul goboleedka Galmudug.

Ciidamada dagaalamay ayaa ka tirsan qaybta 21-aad ee milatariga Soomaaliya, waxaana dagaalka uu ku salaysnaa mushaaraad la qaybiyay.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mdi ah ciidamadaasi la siiyay mushaar, arrintaasi oo dhalisay in kuwii kale aan mushaarka helin ay gadoodeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in hadda Xaaladdu ay dagantahay.Somalia