Eritrea: Waxaan dilnay 200 Ethiopian ah

Eritrea ayaa sheegtay in ciidankeedu dileen in ka badan laba boqol oo askarta Ethiopia ah markii dagaal ay isaga horyimaadeen soohdinta kala qaybisa labada dal maalintii axadda.

Hadal ay soo saareen wasaaradda warfaafinta ee Eritrea ayaa lagu sheegay in saddex boqol oo kale oo ciidanka Ethiopia in la dhaawacay, iyaga oo ku tilmaamay in labada qiyaasba ay yihiin tirada ugu yar.

Labada dhinac ayaa isku eedeynayay inay dagaalka ka bilaabeen gobolka Tsorona oo ilaa 100km koonfur ka xiga magaalada caasimadda ee Asmara.

Ugu yaraan boqol kun oo qof ayaa ku dhintay dagaal laba sano socday oo dhexmaray laba dhinac kaasi oo dhammaaday sanadkii 2000.

Ethiopia marnaba ma aqbalin go'aankii Qaramada Midoobay ay ugu xukmisay Eritrea dhulka lagu muransanaa.