Donald Trump: Soomaalida Daacish ayay ku biiraan

Lahaanshaha sawirka AP

Donald Trump ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in Soomaalidu ay ku biiraan Daacish.

Khudbad uu jeediyay ayuu ku sheegay in ay tahay in isbadal lagu sameeyo waaxda socdaalka ee dalka Maraykanka.

Donald Trump waxuu si weyn u cambaareeyey siyaasada Barack Obama iyo xisbiga dimuqraadiga.

Waxuu dhaleeceeyey dadka soo galootiga ah ee Maraykanka taga.

Soomaalida Maraykanka dagan ayuu ku tilmaamay qaxooti doonaya inay Daacish ku biiraan.

Donald Trump waxuu mar kale ku celiyay in ay tahay in Muslimka laga mamnuuco Maraykanka.

Dhinaca kale waxaa iyana hadashay Hillary Clinto oo cambaaraysay hadalada Trump