Kizza Besigye maxkamad hala soo taago oo yaan "xabsiga dhexdiida lagu maxkamadaynin"

Lahaanshaha sawirka AP

Xaakim ku sugan dalka Uganda ayaa amray in hoggaamiyaha mucaaradka dalka Uganda Kizza Besigye ay tahay in lagu soo oogo dambiyo khaa'inu waddaninimo ah, dacwadaasina ay ka dhacdo maxkamadda oo aysan ka dhicin xabsiga haatan isaga lagu hayo.

Dacwad qadayaasha dawalda ayaa dalbanayay in dacwada lagu dhagaysto gudaha xabsiga sababo dhinaca ammaanka ah.

Kizza Besigye oo ku dhawaaqay in uu isaga ku guulastay doorasahdii bishii labaad ka dhacday dalka Uganda ayaa lagu xiray magaalda Kamapla bishii la soo dhaafay kaddib markii uu jilay caleema saar uu isku dhaarinayo ka hor dhaartii madaxwaynaha dalka Uganda Yuweri Museveni.

Marar badan ayaa dacwadda Besigye dib loo dhigay, waxuuna diiday in uu qabsado qareen u dooda.

Besigye waxuu ahaan jiray saaxiib aad ugu dhaw Musaveni xilligii jabhadii NRA-da