Su'aalo la weydiinayo xaaska Cumar Mateen

Lahaanshaha sawirka Omar Mateen

Hay'dda baadhitaannada dambiyada Maraykanka, FBI ayaa su'aalo waydiinaysa xaaska ninkii dableyada ahaa,

Cumar Matiin ayaa ahaa ninkii dilay sagaal iyo afartanka qof ee ku cawaynayay Clubka.

Goobtaasi ayaa ahayd meel raggga ragga wax ka daya iyo haweenka dumarka u hamooda oo ku yaal magaalada Orlando.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaysa in xaaska Matiin oo la yidhaahdo Nuur laga yaabo inay ka warqabtay qorshihiisa

Ayna dhici karto in lagu dacweeyo kiis ah sababta ay soo sheegi wayday.

Cumar Mateen ayaa sidoo kale la sheegay inuu Club-ka aadi jiray oo macaamil uu ka ahaa.